Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in fagaare lagu ciqaabi doono ciddii lagu helo dilkii Caa’isha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka socdo muddaharaad lagu muujinayo dareenka murugo iyo xanuunka uu reebay dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas.

Dad u badan haween iyo dhalinyaro ayaa muddaharaad ku maraya qeyba kamid ah magaalada waxaana ay dalbanayan in caddaalad loo raadiyo marxuumad Caa’isha Ilyaas oo si banii’aanimada ka baxsan kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo.

Sidoo kale guud ahaanba waxaa maanta la fasaxay xarumaha waxbarashada waqooyiga Gaalkacyo waxaana ardaydii dugsiyadu ka qeyb qaadanayan muddaharaadka ka socda magaalada ee caddaalada loogu dalbayo Caa’isha oo ka tirsaneyd bahda waxbarashada.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa isna haatan la shiraya laamaha amniga mas’uuliyiinta maxkamadaha ganacsatada iyo isimada gobolka iyadoo laga arrinsanayo kiiska gabadha yar.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir) ayaa kulanka ka sheegay in goob fagaare ah lagu ciqaabi doono cid kasta oo ay ku caddaato jariimada Caa’isha laga galay.

Guddoonka waxbarashada gobolka Mudug ayaa isna maanta booqday dugsiga hoose/ dhexe Salaama oo ay dhiganaysay Caa’isha Ilyaas gaar ahaanna fasalka lixaad ee ay ka tirsaneyd.

Maamulka ayaa ku dhawaaway in fasalka lixaad ee dugsiga Salaama loo bixiyay “Fasalkii Caa’isha” si loogu xasuusto mustqabalka.

Dhinaca kale maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo saartay waaran lagu soo soo qabanayo magacyo lagu tuhmayo dilkaasi

Halkaan ka akhriso

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in fagaare lagu ciqaabi doono ciddii lagu helo dilkii Caa’isha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this