Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay weerar Bam gacmeed oo ka dhacay magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Koox Dhalinyaro Kenyan ah oo watay Bootooyinka loo yaqaan Dhug dhugleey ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamada booliska ee la weeraray ayaa ku sugnaa wadada Thika ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inaysan waxyeelo kasoo gaarin ciidamada la socday gaariga bam gacmeedka lagu weeraray.

Ciidamada booliska ayaa tilmaamay in la qabtay dadkii ka dambeeyay weerarka, waxaana isku dhac uu ka dhacay wadada Thika ee magaalada Nairobi, iyadoo xabsiga la dhigay dhalinyaro Kenyan ah oo falkaasi ka dambeeyay.

Mooto ay ka carareen kooxda weerarka geysatay, Seddex Mobeyl iyo labo bambaano oo aanan qarxin ayaa la sheegay in gacanta ay ku dhigeen ciidamada booliska ee dalka Kenya, waxaana la dhigay xabsiga shan ruux.

Shanta qof ee weerarka geysatay ayaa u dhashay kenya,waxaana lagu kala magacaabaa Kevin Opiyo Onyango 24, Maricus Odhiambo 30, Moses Okiri Nyarianga 21, Collins Juma Oduor 19,  iyo  Samwel Wanyoike Njeri oo 19 jir ah.

Dhawaan ayay sheegeen inay laamaha cadaalada ku wareejin doonaan shanta ruux ee lagu qabtay howlgalka ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana wali ku socda baaritaanka xogaha looga raadinayo.

Warbixinta Booliska ee la xiriirta weerarkan wali si rasmi ah uma soo bixin sidoo kale ma sheegin dhallinyaradan ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo in kale.

Keya-696x391.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this