Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruux dharka huudheyda iibin jiray oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dil ka dhacay degmada X/Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana dilka ka dambeeyay kooxo hubeysan oo ka baxsan halka falka uu ka dhacay.

Dilka ayaa ka dhacay Afar irdoodka Xamarweyne, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ruux dharka Huudheyda ku iibin jiray degmada Xamarweyne, kaasi oo dadka deegaanka si weyn ay u yaqaaneen.

Ruuxa la dilay ayaa meydkiisa laga qaaday goobta uu falka ka dhacay, iyadoo la sheegay in muddo kooban uu goobta yaalay, waxaana baxsaday kooxda falka dilka ay geysatay, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa goob aan sidaa u fogeyn ayaa tegay, iyagoo haatan halkaasi ka wada baaritaano ku aadan qaabka uu falkan u dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ay geysanayaan Ragga ku hubeysan Bastooladaha.

Dhawaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo loo qorsheeyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho, waxaana wali jirin cid loosoo qabtay dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this