Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dalka Iiraan Oo Si Degdeg Ah Isu Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in uu is casilayo, ku dhawaaqitaankaas layaabka leh ayuuna ku baahiyay ciwaankiisa Instagram-ka.

105798654_1c4c3f30-4ae8-456c-bd38-69b194

Wuxuu ka cudurdaartay shaqo ka fadhiisashadiisa.

Zarif ayaa door muhiim ah ka ciyaaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee nukliyeerka ee sannadkii 2015kii, kaas oo dhex maray Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah.

Balse mustaqbalka heshiiska ayaa shaki galay ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu joojiyay ku lug lahaan shihii heshiiskaas.

Xil ka tagista Zarif waxaa xaqiijisay wakaaladda wararka IRNA oo dawladdu leedahay, taas oo soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda.

59 jirkan ayaa wax ku soo bartay Maraykanka wuxuuna shahaadada jaamacadda ugu sarraysa ee PhD ka haystaa shuruucda caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Denver.

Wuxuu horray u soo noqday dan jirihii Iiraan u fadhiyay Qaramada Midoobay, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda noqday sannadkii 2013, ka dib markii xilka madaxweynenimada loo doortay madaxweyne Xasan Rawxaani, kaas oo ballan qaaday in uu dad qunyar socod ah talada ku soo biirin doono.

Muxuu isu casilay
Ma cadda. Qoraalka uu soo dhigay Instagram-kana wuxuu ugu mahadceliyay dadka Iiraan iyo xukuumadda, balse wax sabab ah ma uusan raacinin iscasilaaddiisa.

“Waxaan raali galin ka bixinayaa in aan awoodi waayay in aan sii wado xilkayga, iyo wakhtigayga aana dhamaysan” ayuu ku soo qoray.

Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Instagram ayaa ka shaqaysa Iiraan balse qaar ka mid ah baraha kale ee wawayn ayaa laga xayiray dalkaas.

Ma cadda in madaxweyne Xasan Rawxaani uu aqbali doono iscasilaadda, inkastoo agaasimaha madaxtooyada uu diiday warar sheegaya in iscasilaadda laga aqbalay.

Zarif ayaa cadaadis kala kulmayay qolyaha mayalka adag ee dalkiisa tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iiraan, kaas oo dhigaya in Iiraan ay dhinto hawlaheeda nukliyeerka.

Isniintii ayuu madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad magaalada Tehran kulan kula qaatay Ayatollah Ali Khamenei, balse dadka ka faalooda arrimahaas ayaa dareemay in Zarif uusan ka qayb galin kulankaas.

Iiraan ayaa ahayd dalkii ugu taageerada badnaa dawladda Suuriya intii ay colaadaha sokeeye socdeen, marka laga soo tago dalka Ruushka, booqashada uu Tehran ku tagayna waxaa loo arkaa in ay tahay middii koobaad ee Asad uu ku tagay tan iyo markii uu dagaalku billawday 2011.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this