Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo safar kale ugu ambabaxaya Qatar, maalin kaddib Markii Uu Ku Laabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ku waajahan magaalada Doxa ee dalka Qatar, taasoo qeyb ka ah booqashada taxanaha ah ee uu ku tagayay dalka yar ee Khaliijka.

Farmaajo-safar.jpg

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad ka helay Amiirka Qatar Hamad bin Khalifa Al Thani, waxaana maalinta berri oo Arbaco ah ku kulmayaan qasriga Diiwaan.

Wakaalada wararka ee Qatar ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga sii horeeya Doxa Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxaana loo arkaa Mr Yaasiin isku xidhaha dowladda Soomaaliya iyo Qatar.

Safarada Madaxweynaha ayaa kordhay labadii sano ee uu xilka hayay, iyadoo todobaad gudihiisa uu galay illaa saddex safar, iyadoo la xusuusto in Madaxdii ka horeysay inuu ku dhaliili jiray safarada badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this