Deeq A. Posted February 26, 2019 Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta oo socotay ku dhawaad saddex saacadood ayaa lagu garaacay deegaanada Sabiib, Caanoole, Bangale iyo Baladu-Amiin oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Deegaanada la duqeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi iyo cida fulisay intaba, balse muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa duqeymo ka fulinayay K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites