Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta oo socotay ku dhawaad saddex saacadood ayaa lagu garaacay deegaanada Sabiib, Caanoole, Bangale iyo Baladu-Amiin oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Deegaanada la duqeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi iyo cida fulisay intaba, balse muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa duqeymo ka fulinayay K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this