Sign in to follow this  
Deeq A.

Reer Galbeedka oo isha ku haya doorashada Jubaland iyo loolan hoose oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa la dareemayaa xiiso loo hayo iyo dhaq dhaqaaq siyaasadeed, kadib markii doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubaland loo asteeyay in la qabto bisha August ee sanadkan 2019.

Doorashada la filaayo ayaa haatanba noqotay mid soo jiidatay indhaha Beesha Caalamka, siyaasiin Soomaaliyeed iyo kuwa Gobol intaba.

Maamulka Jubaland ayaa haatan waxaa hogaanka u haya Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo caan ku ah (Axmed Madoobe), kaasi oo la doortay bishii May 2013-kii, kadib markii Ciidanka Xooga iyo kuwa Kenya ay dib u qabsadeen Magaalada Kismaayo.

Waxaa hadaba bilaawday Siyaasiin ka shiraya iyo kuwa heshiisyo wada gaaray, ka hor inta aanba la gaari doorashada madaxtinimo ee Maamulka Jubaland.

Waxaa hogaanka cusub ee Jubaland dooran doona Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.

Madaxweynaha haatan haya hogaanka Jubaland ayaa kalsooni ku qaba in uu dib u soo laaban doono, inkastoo ay careysan yihiin Siyaasiin hore u taageersanaa, maadaama Madaxweyne Axmed Madoobe uu noqday shaqsi lagu eedeeyo caburinta Siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

TIJAABO WANAAGSAN

Waa maxay sababta Kenyaanku muhiim ugu tahay doorashada Jubaland? Waxaa loo arkaa tijaabo wanaagsan lagu cabirayo joogitaanka Ciidanka Kenya ee Gobolka Jubaland, taasi oo markii hore ay kaalin ka qaateen dhismaheeda 2012-kii markii gacan saaxiibtinimo u dhiibeen Madaxweyne Axmed Madoobe.

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Degaanada Jubaland, ayaa soo dhaweeyay doorashada waxaana loo arkaa in markale dib looga soo laabanayo burburkii ragaadiyay Soomaaliya.

Balse, muhiimada ugu horeysa ayaa ah in doorashada ay ku dhacdo si nabdoon, iyadoo aan wax rasho siyaasideed ah dhicin.

Weli ma aysan bilaabin ololaha doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubaland, balse Siyaasiyiinta qaarkood ayaa kuwa isha ku haya ama is-weydiinaya Shaqsiga uu noqon doono Hogaamiyaha cusub ee Maamulka Jubaland.

Degaanada Jubaland ayaa ah dhul laga soo saaro dhaqaalo, maadaama qanni ay ku yihiin Beeraha, Xeeb oo badeeda laga soo saari karo dhaqaalo, waana goob sidoo kale ku haboon Dalxiiska.

Siyaasiyiinta la sheego in ay isku soo sharaxayaan hogaanka Maamulka Jubaland waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xersi iyo Sheekh Daahir oo ah Saaxiib ku dhow Madaxweynaha haatan haya Hogaanka.

Waxaa sidoo kale jira mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qabta Shirar qarsoodi ah, kuwaasi hankoodu yahay in ay isku soo sharaxaan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

Dagaalka Axmed Mdoobe

Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa teegeero ka heysata Xubno ka mid ah Maamulkiisa, si uu markale isugu soo sharaxo qabashada hogaanka Maamulka Jubaland.

Waxaa sidoo kale Mr. Madoobe uu taageero ku raadinaya Ciidanka Xooga, kuwaasi oo ku dheera geliyo sidii Al Shabaab ay uga saari la haayeen Deganada Maamulkiisa.

Waxaa waxyaabaha uu doonayo in uu Kambeynkiisa xiga uu ku kalo, sida laga soo xigtay Siyaasiin falanqeeyay Arimaha Soomaaliya iyo Gobolka.

“Hadii Axmed Madoobe uu gacanta Maamulka Jubaland ku soo celiyo Degaanada Al Shabaab, taasi waxey keeneysaa in uu taageero xoogan uu helo, uu ku gelo Kambeynkiisa doorasho ee soo socda”, sidaasi waxaa yiri Prof. Xasan Sheekh Ali oo Xiriirka Caalamiga, Siyaasiyada iyo Diblomaasiyada ka dhiga Jaamacadaha Muqdisho iyo Simad.

Mar la weydiiyay Prof. Xasan, guulaha Axmed Madoobe, ayaa waxuu ku jawaabay sida adkeynta Amaanka Magaalada Kismaayo iyo kordhinta arimaha ganacsiga iyo Fursado kale uu sheegay in uu siiyay Shacabka Reer Jubaland.

Balse, Mr. Madoobe ayaa muddo xilleedkiisa waxaa uu wajahay eedeymo cuslus sida caburin ka dhan ah Siyaasiyiin aan ku fekerka aheyn Siyaasada uu ku hogaamiyo Maamulka Jubaland, sida uu sheegay Prof. Xasan.

Shirarka Qarsoon

Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Shirar qaarsoon Nabadoon iyo Siyaasiin siyaabo kala duwan ugula yeeshay Aqalkiisa iyo Dalka Kenya, si uu markale u soo noqdo.

Kulamadan qaarkood ayaa waxey dhaceen bartamaha Bishii December ee Sanadkii la soo dhaafay. Waxaa Axmed Madoobe uu si qarsoodi ah Odayaal ugula kulmay Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya kuwaasi oo kala hadlay sidii ay garab u siin la haayeen doorashada soo socota.

Waxaa dadkii uu la kulmay sidoo kale ka mid ahaa labo Siyaasi oo caan ah kuwaasi oo laga soo doorto inta badan Magaalada Gaarisa.

Labadan Siyaasi ayaa dhankooda si qarsoodi ah kulamo ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xaliyo xiisada siyaasideed ee ka dhex aloosan Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubaland.

Waxaa la shaaciyay in labadan Siyaasi ay ka dalbadeen in Madaxweyne Farmaajo uu taageero u muujiyo hogaamiyo Axmed Madoobe.

Intaas kadib, waxaa Kulamo waji ka waji ah yeeshay Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay isku arkeen ka qeyb galka Caleemo saarkii Madaxweynaha Jublanad Saciid Cabdullahi Dani,

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay daqliga Xukuumadda Muqdisho ay u qoondeysay Maamul Goboleedyada, balse Xukkuumadda Muqdisho ayaa sanadkii la soo dhaafay ugu deeqday Maamulka Jubaland lacag dhan $250,000, kadib fatahaadihii Wabiga Juba.

Xukuumadda Muqdisho ayaa u muuqata mid marwaliba ku howlan sidii loo qancin la haa Maamul Goboleedyda ka dhisan Dalka Soomaaliya.

Xiiso Ballaaran

Waxaa hubaal ah in Hogaamiye Axmed Madoobe uu walaac ka qabo Siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii doorashadii Koonfur Galbeed uu ku soo baxay Cabdicasiis Laftagareen, kaasi oo la aaminsan yahay in ay wateen Madaxda Dalka.

Madaxda Dalka ayaa loo arkaa in ay wadaan qorshe ku aadan in Madaxda Maamul Goboleedyada ay ka wada dhigaan kuwa taageersan Siyaasada Nabad iyo Nolol, si ay ugu fududaato doorashada 2020-ka.

Soomaali badan ayaa aaminsan in doorashada Maamulka Jubaland ay tahay mid xiiso ka xiiso badan doorashooyinka kale ee Maamulada Dalka, maadaama ay jiraan Wadamo reer galbeed ah oo doonaya in wax soo saar ay ka sameeyaan Degaanada Maamulka Jubaland, saameyn muuqatana ay ku yeeshaan doorashada soo socota.

Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan ah kuwa door weyn ku yeesha doorashooyinka, iyagoo doonaya in loo fulo danooyinkooda gaarka ah.

Gobolada qaar ee Soomaaliya sida Jubaland ayaa waxaa isku haya Dowladdo Reer Galbeed ah sida kuwa ugu Khubadaha weyn ee Mareykanka iyo kuwa kale oo ku yaala Yurub, kuwaasi oo loo arko in ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan doorashada soo socota ee la filayo in lagu qabto Magaalada Kismaayo.

Soomaaliya ayaa qani ku ah sida shidaalka, Kaluumeysiga iyo kheyraadka kale kuwaasi oo Dalalkeedka Reer Galbeedka ay aad u daneeyaan in mar un ay gacanta ku dhigaan Maamulkooda, si halkaasi ay dhaqaalo badan uga sameeyaan.

Waxaa turjumay Abdirisak Mohamud Tuuryare

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this