Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha SOOMAALIDA Kenya oo cadeeyey cidda iska leh dhul-badeedka ay Kenya sheeganeyso (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha gobolka waqooyig Bari Kenya ee Soomaalida ayaa sheegay in dhul-badeedka Kenya ay sheeganeyso ee xiisadda dhaliyey uu yahay mid ay leedahay Soomaaliya.

Tallaabo lama filaan ah oo ay qaadeen ayay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Gaarisa ku sheegeen in Kenya ay si sharci-darro ku sheeganeyso dhual-badeed aysan lahayn.

“Haddii muranka badda ka taagan loo xukmiyo Kenya, Soomaaliya waxay weyn doontaa xuduuddeeda Koonfureed ee ku teedsab Kenya” Waxaa sidaas yiri Cusmaan Ibraahim Af-Maroor, oo ah afhayeenka odayaasha.

Odayaasha ayaa ku baaqay in xal nabdoon laga gaaro xiisadda, waxayna sheegeen in labada waddan ay ka dhaxeeyaan dano ay ka mid yihiin in laga adkaado kooxaha argagixisada.

Hadalka odayaasha Kenya kasoo baxay ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dhallinyarada gobolka Waqooyi Bari ay dowladda Kenya ugu baaqeen inay ‘murankan’ xal ka gaarto, ayada oo aan xagjir noqon.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan cuna-qabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, ayada oo sheegtay inaysan ogolaan doonin ‘in cm ka mid ah dhulkeeda ay uga tanaasusho dal kale.’

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this