Deeq A. Posted February 25, 2019 Wasiirka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Dowladda Puntland ayaa shaacisay xilliga la soo dhisayo gollaha degaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu wargeliyay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo dhammaan nabaddoonada gobolka in ay u diyaar-garooban dhismaha gollah degaanka Gaalkacyo. Wasaaradda ayaa sheegtay in 25-ka Maarso ee sannadkan 2019 ay u qorshaysay dhismaha gollaha degaanka Gaalkacyo waxaana ay maamulka iyo dhaqanka degmadaasi ku wargelisay in ay sii diyaariyan xubnihii beelaha u mateli lahaa gollaha ka hor 25/3/2019. PUNTLAND POST The post Puntland: Gaalkacyo maamul cusub loo dhisayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites