Deeq A. Posted February 25, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Taliyaha Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland Gaashanle Sare Axmed Cismaan Cali oo Lahadlay BBC ayaa ka warbixiyay fal argagax bulshada ku abuuray oo loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, kadib markii gabadhaasi yar la’iskugu daray dil iyo kufsi arxan daro ah. Gabadhan waxaa la sheegay in Qoyskoodu ay waayeen shalay oo Axad aheyd,islamarkaana saaka, iyadoo Meyd ah la soo Dhigay magaaladaasi. Gaashanle Sare Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay in Boolisku ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah dadkii falkaasi geystay, sidoo kalena ay baaritano ku hayaan rag kale oo laga shakisan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/wara.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites