Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ka jira in uu khilaaf soo kala dhex galay Farmaajo iyo Kheyre?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa Baraha Bulshada qabsatay dood iyo warbixino ku aadan Khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xilkaan hayo muddo 2 sano ah iyo Madaxweyne Farmaajo oo horey u sheegay inuu dalka u magacaabay Ra’isulwasaare isaga ka fiican.

Dadka qoraaladaan faafinayey ayaa ra’iisul Wasaaraha ku eedeynaya inuu madaxweynaha khiyaamay, isla markaana uu isku diyaarinayo doorashada soo socota inuu Madaxweyne isku sharraxo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay inuusan jirin khilaaf soo kala dhex galay labada Mas’uul, arrntaasna ay ku egtahay kaliya baraha bulshada.

Illaha aan wareysanay ayaa noo sheegay inay arrintaas faafinayaan dad jecel inay is khilaafaan madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha oo muddo laba sano ah ay ka dhexeyso wada shaqeyn fiican, qaarkoodna ay yihiin kuwa dano ay lahaayeen ka waayey Kheyre.

Ilaa hadda jawaab saxan uma helin inuu ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo, inkasta oo aan la ogeyn waxa dhici doona bilaha soo socda.

Ilaa hadda ma jiro xisbi si rasmi ah loogu dhawaaqay oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, taasna waxay caddeyn u tahay inaysan jirin heshiis ay labada mas’uul ka gaareyn sida ay wax u dhici doonaan marka la gaaro doorashada soo socoto.

Si kastaba, bilaha soo socda ayaa la filayaa inay wax walba kala caddaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this