Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Xildhibaan Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaddib markii saacadihii u dambeeyay ay wararkaas hadheeyeen baraha bulshada.

1-56.jpg

Cabdishakuur Mire oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo ee geed fadhiga u ah ayaa ku eedeeyay rag uu sheegay inay mucaarad yihiin oo bilaabay been faafin iyo dacaayad.

Waxaa uu sheegay in hoggaanka dalka oo uga jeeday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka dhaxeyso kalsooni aan ruxmeyn.

“Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay waxaa loo aaneeya sameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta iyo xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado.Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa”ayuu yidhi C/shakuur Mire.

Xildhibaan C/shakuur Mire ayaa si weyn u difaaca Madaxweyne Farmaajo, isagoo lahjado adag u adeegsada mucaaradka, xitaa ku shabadeeya inay hal qolo yihiin, inkastoo qudhiisa ragga u dhow Madaxweynaha uu ka mid yahay.

Baraha bulshada ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa ka socday weerar taageerayaasha labada dhinac ee ku dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana durba ay shaki badan dhalisay inuu jiro mad madow ama khilaaf u dhaxeeya Madaxda labada sano ee xidhiidhkooda aan marnaba xumaan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this