Sign in to follow this  
Deeq A.

Sayid Cali Kuukaay Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Shaqsigii Ugu Wanaagsanaa Isboortiga Soomaaliya 

Recommended Posts

Deeq A.   

Sayid Cali Kuukaay oo ka mid ahaa ciyaartooydii kubbadda cagta sidoo kale soo ciyaaray kubbadda kolayga iyo kubbadda gacan ilaa heer qaran ayaa bartamihii bishan Febraayo 2018 waxa uu ku guulaystay abaal marinta Somali Youth Award 2018 ee shaqsigii ugu wanaagsan isboortiga dalka.

52401161_10157144116023653_1947345228637

Sayid Cali waa uu u qalmay abaal marinta waxa uu kaalin wanaagsan ka qaatay dhiiri gelinta ciyaartooydii kala duwnaa ee matalay magaca Soomaaliya kuwaas kaalin fiican kasoo hooyay tartamadii ay ugu qeyb galeyn dalka dibadiisa”waxaa Barnaamijka Xeynaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Macalin Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxa horomarinta isboortiga maamulka Gobolka Banaadir.

52602873_2168183790177692_64386866199134

Sayid Cali Kuukaay waxa uu abaal marinta shaqsiga isboortiga 2018 kaga guulaystay wariye Maxamed Qadar oo ka tirsan Idaacada Ciyaaraha ee Gool FM iyo Sheymaa oo iyadan ah gabar u dhaq dhaqaaqada arimaha haweenka ee xaga ciyaaritsa kubbadda cagta ahna aas aasaha Golden Girls.

50623513_290449784997087_470153958182302

“Aniga oo ka faaideysanayo fursadan waxaan rabaa in aan u mahadceliyo xubhana Guddiga codeynyta abaalmarinada Somali Youth Award iyo maamulkoodaba sida ay iigu doorteen in aan noqdo shaqsiga ciyaaraha ee sannadkii tagay 2018. waxaan kaloo u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay in aan abaalmarintaan muteesto oo ay ugu horeeyayso Hooyadey iyo dhamaan xubnaha qoyskeyga iyo saaxiibadey” waxaa sidaas bartiis facebooga kusoo qoray Sayid Cali Kuukaay ka dib markii uu hantay abaal marinta.

Kuukaay-300x188.png

Sanadii 2017 abaal marinta Somali Youth Award ee shaqsiga isboortiga waxaa ku guulaystay ciyaaryahan Cabdi Casiis Maxamed Catoosh oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Dekedda,isagoo waqtigaa u mahad celiyay dhalinyaradan u istaagay dhirii gelinta shaqsiyaadka ugu fir fircoona arimaha bulshada.

28061281_152424902132910_335498479532778

Si kastaba labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa dalka kusoo badanayay ururuo dhalinyaro ah kuwaas oo abaal marino kala duwan ku gudoonsiinayay shaqsiyaadka ugu tayada wanaagsan arimaha bulshada.

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Abaal Marinta Uu Ku Guulaystay Sayid Cali Kuukaay

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this