Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad rayid ahaa Oo lagu laayay deegaanka Lafoole

Recommended Posts

Deeq A.   

Lafoole (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa ku warramayaa in barqanimadii maanta dad rayid ahaa lagu dilay deegaanka Lafoole ee gobolkaasi.

Dadkan oo tiro ahaan ahaan gaarayay illaa 9 ruux oo isugu jiray lix Haween ah iyo afar rag ah ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen rag hubeysan.

Maxamed Ibraahim Barre guddoomiya gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in dadkan ay ahaayeen kuwo isxilqaamay oo olole nafaadeed ka waday waddada dheer ee aada dhanka Afgooye, waxaana uu dilkooda ku eedeeyay Al Shabaab oo weeraro ka fuliya halkaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii gawaari siday Dhuxul Al Shabaab ay ku gubeen deegaanka Lafoole oo dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-cadaani.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this