Deeq A. Posted February 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Dhacdadan oo aheyd mid murugo badan ayaa timid, kadib markii saaka Meydkeeda la helay Caa’isha Ilyaas Aadan oo shalay la waayay. Marxuumadda 12 jir aheyd ayaa Meydkeeda la soo hor dhigay Guri ay Qoyskoodu ka dagan yihiin waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ehellada inantaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jirdil xoogan uu ka muuqday Meydka. Caaqil Cabdisamad Abshir oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa ka warbixiyay falkaasi naxdinta leh. Halkan hoose ka dhegeyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/DDD.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites