Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga Oo ka horyimid xil ay u magacawday Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Korneyl Cabdi Barre Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ka soo horjeestay xil uu uu magacaaabay madaxaweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Xilka loo magacaabay oo ah u qaabilsanaha xafiiska wacyigalinta arrimaha Diinta ee ciidamada ka howlgala gobolkaasi ayaa uu sheegay in aan lagala tashan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxweyne ku xigeenku uusan xaq u laheyn in uu xilkaasi u magacaabo, sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii dambe waxaa Gedo ku sugnaa Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, kaas oo kulamo ka waday gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this