Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo taageero cusub u ballan qaaday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dooxa (SMN) – Wasiirka haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji oo ku sugan magaaladda Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la qaadatay wasiirka hormarinta, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalkaasi Yusuf BinMohamed Al Othman.

Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltimo ee ka dhaxeeya dalalka Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii xukuumadd Dooxa ay DFS uga gacan siin laheyd dhanka horumarinta iyo arrimaha xuquuqul insaanka.

Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya , iyadoona ka taageerta dhinacyada waxbarashada, bani,adanimada iyo horumarinmta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this