Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Gabar yar oo lagu dilay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20190225_112640_287-1.jpg?w=1000&sslHaween ka caraysan dilka Caa’isha

Gabar da’deeda lagu sheegay 12 sano jir oo shalay lagu waayey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka maydkeeda laga helay albaabka hore ee gurigooda oo ku yaalla xaafada Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo.

Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa shalay subax la waayay mar ay adeeg u doontay suuqa waxaana tan iyo xilligaasi laga baafinayey idaacadaha maxalliga ah iyo baraha bulshada sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskii ay ka baxday.

Maydkeeda oo la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu arkay calaamado muujinaya in si xun loo jir dilay sida laga soo xigtay saraakiil caafimaad oo baaritaan ku haya maydka.

Gudaha magaalada Gaalkacyo waxaa haatan ka socda muddaharaadyo ay dhigayan qaar kamid ah haweenka oo ka caraysan dilka Caa’isha islamarkaana caddaalad dalbanaya.

Dhinaca kale guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland Axmed Huruuse Xaashi ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba maalinta berri ah la fasaxay xarumaha waxbarashada magaalada Gaalkacyo si loo muujiyo dareenka murugo ee uu reebay dilka gabadhaasi yar.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu bahda waxbarashada oo ay ka tirsaneyd ugu baaqay in ay isu’ soo bax ku muujiyaan muruda iyo xanuunka uu reebay dilka Caa’isha oo kamid ahayd ardayda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe Salaama ee waqooyiga Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Gabar yar oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this