Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dad rayid ah oo lagu laayay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu laayay deegaanka Xaawa Cabdi, sida masuuliyiinta deegaanka ay sheegeen.

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay ka shaqeynayeen nadaafadda deegaanka, waxaana kooxaha hubeysan ay ku fureen rasaas, taasi oo sababtay inay dad badan ku dhintaan isla goobta.

Ku dhawaad Sagaal ruux oo haween u badnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay rasaas ay fureen kooxaha hubeysan, waxaana la sheegayaa in goobta ay ka baxsadeen dadka falka geystay.

Masuuliyiinta deegaanka ayaa falkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Al Shabaab, waxaana dadkii dhaawacyada daran ay kasoo gaareen rasaasta loosoo qaaday magaalada Muqdisho.

Ayaan Xasan Xaaji oo ah guddoomiyaha deegaanka ayaa xaqiijisay in haween badana y goobta ku dhinteen.

Ma jiro faahfaahin kale oo laga helayo goobta weerarka uu ka dhacay, balse laamaha amaanka ayaa la sheegayaa inay goobta gaareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this