Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Maamulka Sh/Hoose oo faah-faahin ka bixiyey dadkii maanta ay laayeen Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Barqanimadii Maanta ayaa rag hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen dad haween u badan uu howlo Nadaafadeed ka waday deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta la xaqiijiyey 9 Ruux  oo isugu jira 6 Haween ah iyo Saddex rag ah ayaa weerarkaas ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 9 Ruux ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Shaqooyinka ay hayeen oo ah howlo nadaafadeed.

Deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa 30-kii Bishii Octoober ee Sanadkii tegay ee 2018 Maalin cad sibareer ah inta gaari laga dejiyay lagu toogtay rag dhalinyaro iyo Odayaal isugu jiray.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Shabeellaha-Hoose-1.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this