Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada Doorashada Nigeria Oo Weli La Sugayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)-Dadka reer Nigeria ayaa weli sugaya natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday,iyadoo weli ay socoto tirinta codadka doorashado si weyn loogu baratamay.

3CE9A19B-8960-4DB5-8D86-02E1A2249B00_cx0

Axadddii shalay meelaha qaar dhulka fog fog ee miyiga ah waxaa ka socday codbixin daahday.

Guddiga dorashadu waxey sheegeen inay meelaha qaar doorashada dib u dhigeen, rabshado laga soo sheegay owgood.

Waxaa ugu daraa goobo codbin oo ku yaala qeybo ka mid ah magaalada Legos, iyo gobolada Rivers iyo Anambra, halkaas oo codbixintii ka socotay qalqal la geliyay Sabtidii.

Wariyaha VOAda uga soo warmaya doorashada Peter Clottey, oo ku sugan Abuja ayaa ku soo waramaya in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashada la filayo inay natiijooyina horudhaca ah ku dhawaaqaan maanta oo Isniin ah.

Labada Madaxweynaha Talada Haya Muxamadu Buhari iyo Ninka ay sida weyn u baratamayaan ee Atiku Abubakar, ayaa ladabuda mid waliba uu sii saadaalinayaa inuu guul gaaray.

Ciidamada Amaanka ayaa xaqiijiyay in 16 qof lay ku dhinteen rabshado dhacay intii ay doorashada socotay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this