Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Bangladesh Oo Toogtay Qof Isku Dayay Afduubka Diyaarad Ku Socotay Dubai

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Bangladesh)-Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Bangladesh ayaa toogasho ku dilay qof looga shakiyay inuu afduubto diyaarad rakaab ah oo ku sii jeeday Dubai.

diyaarad-afdub.jpg

Diyaaraddan oo ay laheyd shirkadda Biman Bangladesh Airlines ayaa waxaa saarnaa 148 oo rakaab ah iyo shaqaalaha diyaarada.

Qofka isku dayay inuu afduubto diyaarad ayaa ku hanjabay inuu wato bastoolad, lana soo baxay, waxaana taas ay keentay howlgal ku dilaan Ciidamada Bangladesh.

Ninkan ayaa da’diisa lagu qiyaasay 25 sano jir, waxaa la sheegay in dhaawac ka soo gaaray rasaasta ciidamada uu u geeriyooday.

Lama oga sababta qofkan laga shakisanaa uu isku dayay inuu diyaaradda u afduubto, waxaana diyaaradda ay mar dambe oo ka duushay Bangladesh ay si nabad uga degtay magaalada Dubai.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this