Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Madaxda Dalalka Ciraaq, Sweden Iyo Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sharm El-Sheikh)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Farmaa-640x405.jpg

Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this