Sign in to follow this  
Deeq A.

Filim Loogu Magac Daray Gabadh Ka Tagtay Muqdisho Oo Lagu Soo Bandhigay Dalka Ayrland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ayrland)-Festifalka Caalamiga ee Warbaahinta “The Virgin Media Dublin International Film Festival” ayaa waxaa maalmahan lagu soo bandhigayey Caasimadda dalka Ayrland ee Dablin, iyadoo lagu maamusayey Maalinta Caalamiga ee Ka-hortaga Gudniinka FGM-ka oo Caalamka oo dhan laga xusay bishan Feberaayo 6-dii.

A-Girl-from-Mogadishu-750x430.jpg

Filim loogu magac daray Gabar ka timid Muqdisho, ayaa waxaa bishan Feberaayo 22-dii lagu soo bandhigayo Tuulladda Odeon Point Village.

Filimkaasi waxaa qortay Ifraax Axmed oo ah gabar Soomaaliyeed oo u ololeysa Ka-hortagga Gudniinka FGM-ka,waxaana Filimka isku soo duwday Meeri Makgukayn

Filimkaasi waxaa asaas looga dhigay Qiso dhab ah oo ka sheekeynayaa gabar ka timid Somalia oo lagu sameeyey Gudniinka FGM-ka, taasi oo ka soo carartay dagaalladii sokeeye ee Somalia sannadkii 2006-dii.

Gabadha waxaa qaab Tahriibin ama Is-xambaar lagu geeyey dalka Ayrland, halkaasi oo ay naxdin ka qaaday baaritaanka Caafimaad oo ay kaga sheekeysay sida ay markii ay carruurta ahayd loogu sameeyey Gudniinka FGM-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this