Deeq A. Posted February 25, 2019 Afgooye (SMN) – Wararka laga helayo Sh/Hoose ayaa ku warramaya in xalay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ay weerar ka fuliyeen gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Toora-toorow oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaankaaasi. Balse ciidamadu ay bartilmaameedsadeen guryo ay daganaayeen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la sheegay in lagala baxay tiro dad ah oo aan la shaacin. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Al Shabaab ayaa ka dhacayay gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites