Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan maamulka Hiiraan Oo looga yeeray Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Guddoomiyaha Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, xoghayaha gobolkaasi iyo guddoomiyaha degmada Baladweyne ayaa lagu soo warramayaa in looga yeeray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa la sheegay in uu amray xubnahaasi in ay si degdeg ah ku yimaadaan M/Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax laga weyn diin doono xiisada ka taagan Baladweyne, gaar ahaan Gargaarkii lagu musuq-maasuqay magaaladaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli shalay banaanbax ka dhan ah musuqaasi uu ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this