Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday askari ka tirsan ciidamada xooga (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   ayaa loo heystaa dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinta  gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee gobolka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.

Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan.

Garsoorayaasha ayaa  garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha.

Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanaha, Markhaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha.

Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday  maadaamaa qiraal uu yahay  eedeysanaha  in loo fududeeyo  oo ay bixiyaan magta marxuumka.

1-29.jpg 2-28.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this