Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaacisay dalal kale oo ku biiray Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dalal kale ay ku biireen wadahadal siinta madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana muuqata in isbadal uu ku yimid wadahadalka labada dhinac.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale shaaciyay in Dowladda Turkey ay u gudbiyeen qoraal ay ku cadeynayaan inaysan dhexdhexaad ka aheyn wadahadalka labada dhinac.

Wuxuu sheegay in Turkey uu taageero dowladda Soomaaliya, sidaasi daraadeedna ay ku diideen inuu kaligii wadahadalsiiyo dowladda Soomaaliya iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Turkey uu kasoo jawaabay warbixin ay u direen oo aheyd in dowlado kale lagu soo daro wadahadalka.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Turkiga uu arrintaas ka aqbalay islamarkaana ay wadahadalka ku soo biirayaan dalalka Mareykanka,UK iyo kuwo ka mid ah Jaamacadda Carabta.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu tagay magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Ethiopia, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in arintaasi ay taageersan yihiin qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka oo dagaal kula jira Turkey.

Bisha soo socota ee April ayaa la filayaa inay dib u bilowdaan wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad ku jiray labadii sano ee lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this