Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan iyo Khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan, duqeyntaasi oo lala eegtay saldhig Al Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Hiiraan.

Duqeynta ayaa lagu waramayaa inay ka dhacday deegaan ku yaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Beledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegayaa inay khasaaro kasoo gaartay xubno ka tirsan Al Shabaab.

Deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa Al Shabaab waxay sheegeen shalay inay ku gubeen gaari nooca dagaalka ah oo ciidamada maamulka Hirshabeelle ay la socdeen, islamarkaana ay ku furteen hub ciidamada ay wateen.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa dhawaan shaaciyay inay kordhiyeen weerarada ay la eegenayaan Al Shabaab, waxaana habeen hore oo kaliya ay lix duqeyn ka fuliyeen Shabeelaha Hoose.

Duqeynta xalay diyaaradaha dagaalka ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan.

Duqeyntii ka dhacday Shabeelaha Hoose ayaa waxay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaaray Al Shabaab iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa deegaanada la duqeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this