Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UPD oo baaritaan deg deg ah ka dalbaday DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ayaa baaritaan deg deg ah oo lagu sameeyo dilkii xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre, waxa uu ka dalbaday laamaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Boqorre, oo ahaa xubin ka mid ah xisbiga UPD, islamarkaana ka tirsanaa aas-aasayeesheeda, ayaa sabtidii lagu dilay degmada Kaaraan ee Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray xisbiga ayaa lagu yiri  “Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa ugu baaqay laamaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya in ay si deg deg ah baaritaan dhab ah ugu sameeyaan arxanlaaweyaashii ka dambeeyay dilka marxuum xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo axaddii lagu aasay magaalada Muqdisho, si cadaaladda loo horkeeno, isagoo ka mid ahaa aasaasayaasha xisbiga.”

Dhinaca kale xisbiga UPD ayaa sheegay inuu qaban doono kulan baroor-diiq ah. “Insha allah dhowaan xarunta dhexe ee xisbiga UPD ayaa lagu qaban doonaa kulan baroor diiq ah oo lagu xusayo taariikhihii kala duwanaa ee marxuumka iyo kaalintiisa muga weynd ee uu xisbiga kaga baxay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

52961868_2137583886335853_90439543436146

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this