Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay Qurba-joogta Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kaga qayb galay shir sanadle ah oo Qurba-joogta Puntland Dalka ku yeeshaan sanadkiiba mar.

Ka qayb galka shirkani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, Guddoomiyaha iyo masuuliinta Hay’adda xiriirka Jaaliyadaha Puntland.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyey shirka jaaliyadaha Puntland ayaa ku dheeraaday doorka qurba-joogta Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xusay inay muhiim tahay in dalka la maalgashado, laga sameeyo ganacsi, lasoo kordhiyo khibrado shaqo iyo abuuridda fekrado wax soo saar oo soo kordhinays horumar iyo bilicsan.

Waxaan aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ee shirkan loo soo agaasimey, waxaan halkaan ka cadeynayaa in xagaaga soo socda in halkaan lagu qabanaayo shir ku saabsan maalgashiga, oo dadka jecel maalgashiga dalkooda aan u soo bandhigno fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, iyo in ay indhaha caalamka ay ku nool yihiin u soo jiidaan fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan”.

Dowladdan waa dowladdiinii waxaa loo baahan yahay in aad dalka wax muuqda oo la taaban karo aad ku soo kordhisaan, ma aha jagada dalka ka bannaan mid siyaasi ah oo kaliya, dalka waxaa ka bannaan fursado badan oo loo baahan yahay in laga faa’iidaysto waxaana laga qabsado” Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

FB_IMG_1551044552324.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551044602924.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551044557537.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551044562358.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay Qurba-joogta Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this