Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo faro-geliyey xiisad ka taagneyd dekedda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faro-gelin ku sameeyey xiisad ka taagneyd dekedda Muqdisho oo u dhaxeysay ganacsato iyo shirkad dowladda Soomaaliya ay siisay qandaraas.

Xiisadda ayaa u dhaxeysa shirkadda Kulmiye Transportation and Logistics oo dowladda ka haysata qandaraaska soo saarita buugaagta lahaanshaha baabuurta iyo taargooyinka iyo ganacsatada dalka kasoo dejiya baabuurta.

Xiisadda ayaa timid kadib markii shirkadda ay ku guul-darreysatay in baabuur laga soo dejiyey dekedda ay u sameyso sharciyadii iyo warqaaihii ay u baahnaayeen si dibedda loogu soo saaro, inkasta oo ganacsatada ay sheegeen in lacagtii canshuurta ee laga rabay laga qaaday.

Baabuurta ganacsatada ay keeneen ayaa dekedda ku xayirnaa muddo ku dhow laba bil, waxaana intaas dheer in shirkadda Albayrak oo dekedda maamusha ay kusoo rogtay lacag kiro ah muddada ay dekedda yaaleen baabuurta.

Dhinaca kale, shirkadda Kulmiye ayaa iyana dhankeeda ku doodday inay lacag uga maqan tahay wasaaradda maaliyadda, sidaas darteedna aysan soo saari karin taargooyinka cusub.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Kheyre uu tegay dekedda islamarkaana amray in lasii daayo dhammaan baabuurta kadibna arrimaha taagaan gadaal laga xaliyo.

Si kastaba, inkasta oo baabuurtii xayirneyd lasii daayey, haddana arrintan ayaa soo cusboonaan doonta oo haddana saameyn doonta baabuurta cusub ee imanaya illaa xal buuxa laga gaaro kiiskan, sida ay sheegeen ganacsatada baabuurta soo dejisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this