Sign in to follow this  
Deeq A.

Maansooyinka cajiibka ah ee suugaanta Abwaan Xasan Geney Q2aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Maansooyinka cajiibka ah ee suugaanta Abwaan Xasan Geney Q2aad
Screenshot_2019-02-07-22-33-35-1-1-242x3
W/Q Cabdi Cawiye

Wuxuu ka hadlaayey xaqiiq ilaa maanta taagan Abwan (Xasan geney) waxaad moodaaba inuu maanta inala hadlaayo.
Magaca maansadu waa BOOTADA AAN LOO SAHAMIN
Wuxuu ka hadlayaa dhawr waxyaabood oo bulshadeena ilaa maanta gaabis ka dhigay sida:-
Qabyaalada.
Qaadka.
Dhulka la kala sheegtay ee xoolihii loo diidey
Ma shaqaystaha shaxaadka ku nool.
Qurbe u baqoolka.
Dhaqan biiska dhinacyada xiiran.
iyo bilista akhlaaqdii ka tagtay.

Bulsho diidday dhaqankeeda
booliyo ka dhigay tuulo
Bissmilaahi odhan weydey
Shisheeyaha u boholyowda
Barashada cid kale kooda
Bootada aan loo sahamin
Barta lagu furaan eegi.

Boqole aan shaqaynaynin
Isagoon bukaan jiifin
Balwad iyo hurdo u leexday
Gabadhiisu biil siiso
Baahina u weel qaatay
Bogashada calooshooda
Barta lagu furaan eegi.

Beelahay agaa guura
Baylihiya maalkooda
Dhulka baarax loo diidey
Beeraha la kala seestay
Baad xoolo laga ootay
Haddii ay bedeliweydo
Berri waxay heshaan eegi

Bilisdiidey midabkeeda
Quruxduu ilaah bixiyey
Hiddahoodii baabi’iyey
Beri hore xayihii tuuray
Buufimada laga doortay
Baacsiga asaagooda
Barta lagu furaan eegi
Barbaar shaniyo tobban gaadhin
Barqo duubtay geedkii be’
Baaldacar ka dhuubnaaday
Baalaha timaha xiirey
Foodana in badan reebtay
Cimrigooda boobaaya
Baryuhuu jiraan eegi

Ummadii bislaan weyda
Gobonimada bili weyda
Baal degin asaggeeda
Midnimada boqnaha goysa
Qabiilkana u tuma buunka
Geedigay dib uga baaqday
Barta lagu furaan eegi.

Xuquuqda qoraalku waxay u dhawrsantahay qoraaga

W/Q Cabdi Cawiye Ismacil Guntigaab
+252634115877
Hargeisa Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this