Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Mareykanka Oo Shaaciyay In Xalay 4 Weerar Ay Ka Geysteen Gudaha Dalka Soomaaliya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen Soomaaliya xalay. Marayanku waxa uu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle.

africom.jpg

Maraykanku waxa uu sheegay in laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan.

Dhinaca kalena, maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, hase yeeshee milatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkan.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dawladda uu ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabab. Maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay ciidanka weerareen iyaga oo kusii jeeda Daynuunay.

Magaalada Muqdishana waxaa maanta lagu aasay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay magaalada Muqdishu. Xildhibaanka waxaa dilkiisa sheegtay maleeshiyada Al-Shabab. Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo xildhibaannada ayaa cambaareeyey dilkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this