Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo saarey duqeyntii Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed uu soo saaray taliska Mareykanka ee AFRICOM ayuu faahfaahin uga bixiyay duqeymo uu ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Shabeelaha Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay afar duqeyn oo khasaaro geystay ay ka geysteen deegaanada Kuunya Baroow, Awdheegle iyo Janaale oo ka tirsan gobolkaasi.

Sidoo kale, warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in duqeymahaasi ay la beegsadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deeganadaasi isla markaana ay ku dileen laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi aysan khasaaro ka soo gaarin dadka shacabka ee ku nool deegaanada duqeynta ay ka dhacday.

Ugu danbeyn, Mareykanka ayaa balan qaaday in uu xoojin doono wada shaqeynta kala dhexeysa AMISOM iyo ciidanka dowlada Soomaaliya, si ay uga adkaadaan Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this