Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer oo lagu dhaawacay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la dhaawacay mid kamid ah dhaqaatiirka Isbitaalka Ergodan Ex Digfeer oo ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqtarka uu yimid kadib markii askar ka tirsan ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen gaari uu la socday xili ay doonayeen inay ku furtaan wadada agagaarka Hotel Amiira oo la sheegay inay aad mashquul u aheyd.

Dhaqtarka oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Xaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Digfeer), isla markaana qaabilsan dhinaca caruurta ayaa lagu dhaawacay agagaarka maqaayada Beder ee degmada Hodon.

Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer ee uu ka howlgalyay weli wax faah faahin ah kama bixin dhaawaca Dhaqtar ka howlgalayay Isbitaalka.

Wararka ayaa sheegaya in la qabtay askariga furay rasaasta uu ku dhaawacmay dhaqtarka, waxaana la dabiibayaa dhaawaca dhaqtarka, iyadoo la sheegay in la dhigay qeybta Qaliinka ee isbitaalka.
Inta badan ciidamada amaanka ayaa rasaas ku furta waddooyinka xiliga ay dareemaan inay xiran waddooyinka magaalada oo gaadiid badan ay ku kulmaan waddooyinka qaar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this