Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray khasaaraha duqeymihii SH/HOOSE

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay duqeymo xalay ay ka  fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa so saaray war saxaafadeed ay ku cadeynayaan in ku dhawaad lix duqeyn oo lala  eegtay Al SHabaab ay ka dhaceen gobolka Shabeelaha Hoose.

Labo kamid ah duqeymahaasi ayaa la sheegay inay ku dhaceen deegaanka Kuunya Barow iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in lala eegtay goobo Al Shabaab ay canshuuro ku qaadayeen.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Wadajir ah ay burburiyeen xarumo Al Shabaab ay dadka canshuur uga qaadi jireen.

Duqeymaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu dilay labo kamid ah Al Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa goobaha duqeymaha ay ka dhaceen.

Al Shabaab ayaa saacado ka hor soo bandhigay sawirada duqeymaha ka dhacay Shabeelaha Hoose, iyaga oo sheegay in dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta.

D0K7qdPW0AEWdHv.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this