Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheeko xildhibaan Boqore iyo weriyayaal dhex-martay inta aan la dilin oo la soo bandhigay (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah koox wariyaal ah oo maalmo kahor la kulmay alle ha unaxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha ay ka diiwaan geliyeen xildhibaanka muddo yar oo ay wada Joogeen.

Qoraalka Wariyaha ayaa u qornaa Sidan:

Xildhibaan Cismaan Boqore waxaan ku xasuustaa!

Xildhibaanka la dilay Cismaan Cilmi Boqore maalma kahor ayuu noo sheekeeyey inagoo koox wardoonayaal ah.

Waxaan joognay xarunta Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo, xilligu Casir ayuu ahaa, agteena ayuu ku dukaday isagoo dhar cadcad wata.

Markuu salaama naqsaday ayuu nagu yiri “dhallinyaro ma igaranaysaan?” Waan isfiirfiirinay illeen kedis ayey wax ku dhaceen, qaar golaha shacabka ayey 5 sano warar ka doonayeen oo si fiican ayaa loo ganayey alle ha u naxariistii Xildhibaan Boqore,,,,,,,, markaan cabaar aamusneyn ayuu yiri sida aad iigaran wayseen waxaa u lumay taariikhdii dalkiinu lahaa, Mustaqbalkiina ka fakara oo aqoonsada waxaa tihiin iyo cidda aad wax ku noqoteen.

Sheekadiisa inaan maqsuud kuwada aheyn waxaa marqaati ka ahaa sida aan u wada aamusneyn, oo codkiisa kaliya looga maqlayey halkii aan wada joognay.

Kama uusan harin sheekadiiye, waxa uu na xasuusiyey Xornimada maanta jirta ogaantiisa sida lagu helay, qaabka dowladdii Soomaaliya ee Africa caanka ka aheyd u burburtay iyo sida hadda dowladda jirta lagu helay kadib 1991 kii.

Xildhibaanku waxa uu noo sheegay in xilligii KMG ee Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf uu aad ula shaqeeyey, xitaa safaro ayuu goboladda ku maray Boqore isagoo dhulka maray, xilligaas dowladda inta badan goboladda iyo caasimadda ma aysan maamuleyn.

Iyadoo looga digayo in uu dadka dhexgalo ayuu caawinaad qaaday boqore sida uu noo sheegay, majirin cid u dhaxaysay isaga iyo wasiira kale markii shacabka goboladda Bay, Bakool iyo shabeelaha hoose ay u gurmanaayeen.

Waan la kaftamay, da’daadu waa imisa ayaan weydiiyey, wuxuu yiri adeer da’du micno ma lahane wax tarka qofeed ayaa hal beeg u baahan.

Dhiiranaanta qofnimo ee Xildhibaan Cismaan boqore waxaa kamid aheyd in uu ahaa qof ku kalsoon waqtiga iyo waayaha waxa uu kala kulmo.

Amniga: waxa uu ka yiri adeer in askari i ilaaliyo waxaan ka door bidaa inaan shacabka aamino oo aan ku dhex noolaado, ilaalidayda markasta oo fasax ay i weydiistaan waan siiyaa, alle ayaan ku kalsoonahay.

Salaadda waa uu ku wanaagsanaa sida uu noogu sheekeeyey iyo mida aan ka arkay, waxaan ku xasuustaa in uu yiri adeer Salaad subaxa Masaajid iyo Jameecada ayaan kula dukadaa, waa ilaahey Mahaddiis.

Alle ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Boqore

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this