Sign in to follow this  
Deeq A.

Goblan Talo Adduunyoow, Maxaad Gelinba Waa-Joogtay? Qormadii 1aad.

Recommended Posts

Deeq A.   

Inqilaabkii dalka Soomaaliya ka dhacay 1969 kii, Saraakiishii afgembigaas dhigtay waxay ka faaiidaysteen rabitaanka shacabka oo khadyaan ka istaagay tayo daradii, qaraabo-kiilkii, qabyaaladii iyo musuqmaasuqii xadhkaha goostay ee ay ku kacaeen dawladihii rayidka ahaa ee xukunka isaga danbeeyay sanadihii 1960-69 kii, oo noqday kuwo hungo baday quluubta shacabkii midhaha xoriyada gurashadeeda u jeel qabay, taasina waxay keentay in shacabku gacmo lulan ku qaabilo afgembigii Milaterigu sameeyeen, iyagoo ka warqabin mustaqbalka aan hubantida lahayn ee kusoo wajahnaa.

B91632E1-FB29-4D99-B20E-36C6E9FFB911.png

Inkastoo, weedho aad u qurux badan iyo balanqaadyo toolm oon oo horumarinta dalka ku aadan ay soo bandhigeen saraakiishii inqilaabta dhigtay, waxqabad lagu diirsaday oo yididiilooyin huwana ay la yimaadeen sanadihii u horeeyay cimriga inqilaabkooda,Nasiib darro,, sanado kooban kadib, Ciidamadii xukunka qabsaday waxay u dhurteen midabkii iyo muuqaalkii dhabta ahaa ee ay lahaayeen, iyagoo markiiba dhexdoda iskaga horyimi, qaar ka mid ahna dhegta dhiiga loo dary, qaar kalena xabsiyadda loo diray, Eexdii, qaraaba-kiilkii iyo dhacii maalka umaduna meel sare ayuu gaadhay, waxaanay tani gogosha u xaadhay asaasistaankii jabhado sheegtay xaq-u-dirir oo aan iyaga laftooda la mahadin natiijadoodii. Inta badan fashilka ku yimi kacaanka waxaa loo aaneeyaa hogaamiyihii kacaanka General Maxamed Siyaad Barre oo nidaamkii dawliga ahaa u rogay mid qabali ah si uu xajisto kursiga, uguna waaro awooda qalinka iyo hogaaminta majaraha qaranka, isagoo meel kasta oo uu ka dareen qabay in looga soo dhici karo u dhiibtay mid ehelkiisa amaba qabiilkiisa kasoo jeeday.
Jabhadii ugu horaysay ee dagaal hubaysan kala hortagta Keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd SSDF oo hogaamiye uu ka ahaa Korneyl Abdulaahi Yuusuf Axmed (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya), habka iyo qaabka lagu aasay Jabhadani wuxuu ahaa mid qabiilaysan ama reeraysan, 97% salka jabhadaasi ka unkanayd waxay ahayd qabiilka Majeerteenka ee uu ka Dhashay Kormeyl Abdilahi Yusuf, taasoo aan waxba ka gedisnayn dhabihii Generaal Barre lagu dhaliilayay ee ahayd inuu qabiilkiisa ku wareejiyay awoodii qaranku wada lahaa, Hubaashuna waxay ahayd inay caddeyd……….la soco Qormadda 2 ad…….
Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-laki)
Burco. Email, husseinlucky@hotmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this