Deeq A. Posted February 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Munaasabad ballaaran oo lagu caano-shubayay Oday dhaqameedka cusub ee beesha Dabruube Maxamed Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxgarad, aqooyahanno, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween ka mid ah beeshan ayaa ka qeyb galay xafladdaasi. Ugu horreyn Yuusuf Cali Bood oo ka mid ah indheer-garadkii ka soo qeyb-galay caleema saarka ayaa Nabadoonka cusub ka codsaday in uu beesha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku hoggaamiyo tubta toosan. Sidoo kale Khadiijo Cumar Axmed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka beel weynta Dabruube ayaaa hambalyo u dirtay Nabadoon Axmed Maxamed Subeer Gaabow Guntii iyo gunaanadkii munaasabadda waxaa ka hadlay oo halkaasi khudbad ka jeediyay Nabadoonka cusub Axmed Maxamed Subeer Gaabow, wuxuuna ballan qaaday in uu cadaalad u sameyn doono bulshada masuuliyaddan saartay. Beesha Dabruube Maxamed ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Laanta-Buure, waxayna beeshan leedahay xirfado dhaqan oo ab ka soo gaar ah, sida dhaqashada xoolaha iyo tacabka beeraha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites