Deeq A. Posted February 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Allaha unaxariistee waxaa maanta qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabaka ee baarlamaanka Soomaaliya. Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, wasiiro iyo ehellada uu ka baxay Xildhibaankaasi. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay aaska ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono Cismaan Cilmi Boqore. Dhankiisa guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuumka, waxaana uu tilmaamay in uu ahaa halyey u soo shaqeeyay dalka. Shalay gelinkii dambe ayaa xildhibaankan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir, iyadoona laamaha amnigu ay shaaciyeen in dad loo soo qab qabtay dilkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites