Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Xildhibaan Boqore Oo lagu aasay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Allaha unaxariistee waxaa maanta qabuuraha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabaka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, wasiiro iyo ehellada uu ka baxay Xildhibaankaasi.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay aaska ayaa ka hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono Cismaan Cilmi Boqore.

Dhankiisa guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuumka, waxaana uu tilmaamay in uu ahaa halyey u soo shaqeeyay dalka.

Shalay gelinkii dambe ayaa xildhibaankan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir, iyadoona laamaha amnigu ay shaaciyeen in dad loo soo qab qabtay dilkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this