Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo xabsiyo ka dhiseyso gobollada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka wasaaradda cadaaladda XFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe xabsiyo cusub looga hirgalinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb a tahay ballaan qaadyo ay horay u sameysay xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in horay loogu guuleystay in xabsi laga dhiso maamulka Puntland, kaas oo loogu adeegayo shacabka deegaanadaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu xariga ka jiray xabsi weyn oo laga dhisay xarunta guud ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka isgoyska ex koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this