Sign in to follow this  
Deeq A.

M xigeenka Puntland oo amray in la dardar geliyo maamul-daadejinta degmooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa guddoomiyey shirka maamul-daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada; Maaliyada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan.

Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad oo maanta la qabtay kulankii koowaad ee 2019 ayaa warbixin ku aadan waxyaabihii qabsoomay, caqabadaha taagan iyo qorshaha 2019 laga dhegaystay agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha, waxaa laga dooday intuu kulanku socdey dardargelinta dedaalada maamul-daadejinta iyo harumarinta degmooyinka Puntland.

Madaxwayne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta barnaamijkan ka shaqeeya inay dardargeliyaan shaqooyinka maamul-daadejinta iyo horumarinta magaaloonyinka Puntland.

FB_IMG_1551007928848.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551007939529.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551007946358.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551007934104.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post M xigeenka Puntland oo amray in la dardar geliyo maamul-daadejinta degmooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this