Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqore oo todobaad ka hor dilkiisa laga kaxeystay ilaalaliidsa (Yaa sameeyey?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii shalay kooxo hubeysnaa bastoolado ay degmada Kaaraan ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, ayaa waxaa dilkiisa ka hadlay Sanotar ka tirsan Aqalka sare ee dalka.

Sanotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, waxaana uu sheegay in dhawaan ay kulmeen, isagoona xusay in xiligaas marxuumka uu ka walaacsanaa Amnigiisa.

Sidoo kale, Sanotar Xuseen Kheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaanka Boqore uu u sheegay in Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen Ciidamadii ilaalada u ahaa, isla markaana uu walaaac ka qabo amnigiisa.

War qoraal ah oo Bogiisa Facebook uu soo dhigay Sanotar Xuseen Kheekh oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa u qornaa sidan .

“Aad iyo aad ayaan uga naxay geerida Xildhibaanka oo aan iska tirsaneyn Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka. Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegey”

Allaha u naxariistee Dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ahaana Ninkii ugu da’da weynaa Xildhibaanada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this