Deeq A. Posted February 24, 2019 Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay duqeyno ka dhacay Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo lala eegtay saldhigyo ay Al Shabaab lahaayeen. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in duqeymahaasi lala eegtay saldhigyo ay leeyihiin Al Shabaab, goobo ay canshuurta ku qaadaan iyo maxkamado uu sheegay inay dadka ku xukumi jireen. Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada guud ee Al Shabaab looga dilay duqeynta inay gaareyso 100 dagaanyahan sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in khasaaraha intaasi ka badan karo. Sidoo kale wuxuu sheegay in xarumaha qaar ee duqeymaha lala eegtay inay ahaayeen kuwo ay ku diyaarinayeen dhagarta Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose. “Waxaa ka dhacay gobolka Howgalo xoog leh oo nimanka nabad diidka lagu bartilmameydsaday, waxay maleegayeen dhibaatooyin ka dhan ah Shacabka, waxaa lagu dilay 100 dagaalyahan, meelo badan ayaa lagu beegsaday Al Shabaab, Awdheegle, Dacaaraha, Janaale iyo Kuunya Barow ayaa la duqeeyay”ayuu yiri Guddoomiye Barre. Janaale, Awdheegle, Dacaare iyo deegaano ku yaala xuduuda Shabeelaha hoose iyo Jubbooyinka ayay xalay ka dhacday duqeyntii ugu badneyn, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in diyaaradaha Mareykanka ay ka dambeeyeen duqeymaha. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites