Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabab oo soo bandhigay khasaaraha duqeymihii SH/HOOSE

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo xalay lala eegtay degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Xalay saqdii dhexe diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay deegaanada Dacaaraha iyo Kuunya Barow, sidoo kale waxay duqeymaha ka dhaceen degmooyinka Janaale iyo Awdheegle.

Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro ay sheegeen inay yihiin dad shacab ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeymihii xalay, balse AL Shabaab ma aysan sheegin deegaanka ay dadkaasi ku sugnaayeen, maadaama goobo badan la duqeeyay.

Waxaa ka muuqanayay sawirka canug yar oo madaxa ay ka haleeyay duqeynta iyo aabihii oo isku meel ku geeriyooday, iyadoo dhaawac uu soo gaaray hooyada dhashay canuga yar.

Al Shabaab waxay sheegeen in duqeynta aysan geysan khasaaro badan, balse labo ruux ay ku geeriyoodeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Mareykanka oo ku aadan duqeynta ka dhacday Shabeelaha Hoose, balse maamulka dowladda ee Shabeelaha Hoose

1-2.jpg 3-3.jpg 4-1.jpg 8.jpg 9.jpg 10.jpg 12.jpg 14.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this