Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:  Dadkii Dariska la ahaa Marxuum Boqore oo soo bandhigay arrimo cajiib ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadkii deriska lahaa Allha u naxariistee xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo shalay lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaabkii loo dilay iyo sidii uu dadka degaanka dhaqaaleyn jiray.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu keligiis ahaa xilliga la dilay oo aanay la socon wax ilaalo ah, isagoo markaasi guri uu dhismo ku hayey ku sugnaa, waxayna odayaasha xaafadda sheegeen inuu ahaa nin si weyn u caawiyey oo samafale ahaa.

Mid kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu u iibiyey Gaari Gacan uu ku shaqeysto, wuxuuna Alle uga baryayey inuu Janadiisa geeyo.

Mid kale oo dadka Deegaanka ayaa sheegay inuu ahaa Boqore nin fiican oo u dhaxeyn jiray Masjidka iyo Guriga.

Wuxuu intaas ku daray inuu Qalbiga ka ilmeenayo uusana garaneyn sababta loo dilay, wuxuuna ugu duceeyey Janada.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu soo duubay TV-ga Dalsan ee Magaalada Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this