Sign in to follow this  
Deeq A.

Dood Ku Saabsan Somaliland Oo Dhex-martay Siyaasi Ka Mid Ahaa Musharraxiintii Madaxweynaha Ee Puntland Iyo Siyaasi Maraykan Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dr. Michael Rubin, oo ah madaxa machadka American Enterprise Institute, horena uga mid ahaa waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa ka jawaabay dood uu soo bandhigay Cali Xaaji Warsame oo hore uga soo noqday musharrax madaxweyne Puntland ahaana wasiirka waxbarashada Puntland.

10.png

Dr Rubin todobaadkan labada qormo oo uu qoray mid ku dhalliilay in dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay lacago xad dhaaf ah ku shubaan Muqdisho waxaanu ku taliyay in Somaliland goonideeda loo taageero. Qormada kale ayuu ku sheegay in aan lagu sii foognaan fikradda Soomaali weyn oo keeni karta dhul raadin hor leh oo ammaan darro keeni karta.
Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo barta Twitter-ka kaga falceliyay qormada Dr Michael Rubin ayaa sheegay in aanu qormadiisa ku sheegin arrimo la xidhiidha kala duwanaanshaha Somaliland oo uu ula jeedo qabaa’ilka oo macnaheedu yahay in aan qaarkood gooni isu taag ogolayn sida uu ku doodayo iyo laba arrimood oo kala ah sharcinimada gooni isu taagga Somaliland iyo caqabada ay kala kulmayso xuduudaha.
Dr Rubin ayaa dooddan si kooban ugaga jawaabay qormo kooban inkasta oo uu tilmaamay in arrimaha qaarkood u baahan yihiin dood balaadhan iyo qormooyin gaar ah, Waxaanu sheegay in Cali Xaaji Warsame ku saxsan yahay in aanay Somaliland ka koobnayn beesha Isaaq oo kaliya laakiin, uu arrimaha qaarkood ku khaldan yahay.

“Marka la eego (dooddiisa ah) Caqabadaha dhanka xuduudaha ee Geeska Afrika; kiiska Somaliland ma waxa wiiqaya? Ugu horayn kiiska muranka xuduudda ee maamulka Puntland kula jiro Somaliland waa mid diciif ah. Xuduudka Somaliland wuxuu ku aasaasan yahay heshiisyo kala dambeeyay laga soo bilaabo qarnigii 19-aad,” Sidaas ayuu yidhi Dr Rubin oo intaas ku daray in xuduudaha Somaliland ay aqoonsadeen 1960 dalal ka mid ah golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo kuwa Afrikaan ah laakiin, Puntland la aasaasay 1998. Waxa sheegay in aanay doodad Puntland ee ku salaysan xuduud qabiilku waxba ka bedelayn xuduudihii gumaysiga.

“Maaddaama Midawga Afrika ka soo horjeedo in wax laga bedelo xuduudihii isticmaarka kiiska Somaliland waa mid xiiso leh maxaa yeelay xuduudihii Isticmaarku hore u aqoonsana weeye,” Sidaas ayuu yidhi Dr Rubin.

Ugu dambeyna waxa uu sheegay haddii Cali X. Warsame doonayo in uu soo dhigo dood sharci oo ka dhan ah gooni isu taagga Somaliland loo baahan doono dood intan ka balaadhan oo qormooyin gaar ah lagu eego laakiin, dooddiisa xilligan ku jihaysan tahay sidii dawladda Maraykanka, dalalka kale ee Reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobay u joojin lahaayeen caawimada ay kaliya siiyaan Muqdisho, islamarkaana Somaliland u soo jeestaan maaddaama ay dadaal badan ka muujisay ammaanka iyo doorashooyinka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this